Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo xaqiijisay in 21 qof ay ku dhinteen weerarkii hotel Xayaat

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo xaqiijisay in 21 qof ay ku dhinteen weerarkii hotel Xayaat

daajis.com:- Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 21 qof ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Xayaat, waxayna intaas ku dartay in weerarkan ay ku dhaawacmeen 117 qof oo 15 ka mid ah dhaawacoodu culus yahay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay suuragal tahay inay dhimashadu intaas ka badan tahay lagana yaabo in dadka qaar ay maydka ehelkooda aasteen ka hor inta aysan gaynin cisbitaallada.

Goor hore oo maanta ah ayaa ciidamada booliisku sheegeen in lasoo af-jaray hawlgalkii, iyadoo lasoo badbaadiyey 106 qof.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada