Xamza: "Waxaan kala dooranaynaa inay iyagu [al-Shabaab] noolaadaan ama annaga"

Xamza: "Waxaan kala dooranaynaa inay iyagu [al-Shabaab] noolaadaan ama annaga"

daajis.com:- Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay soo booqday qaar ka mida dadkii ku dhaawacway qaraxii iyo weerarkii lala beegsaday hotel Xayaat.

Ra'iisal wasaaraha oo booqashadiisa bukaanada ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu amray in debedda loo qaado bukaannada dhaawacoodu halista yahay, ee aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karin.

Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in haatan uu dulqaadkii dhamaaday, oo aanay maanta wixii ka dambeeya noqon doonin in lala noolaado ururka al-Shabaab. "Waxaan kala dooranaynaa inay iyagu [al-Shabaab] noolaadaan, ama inaan innagu noolaano, laakiin islama noolaan karno" ayuu yidhi ra'iisal wasaaruhu.

Ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn ugu mahadnaqay ciidamada kala duwan ee dawladda ee gurmad ka geystay, hawlgalkii lagu samatabixinayey dadkii ku go'doonsanaa hotelka Xayaat ee ay al-Shabaab weerartay iyo weliba soo afjaridda weerarkaas.


Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in dawladdu ay qaadanayso masuuliyadda wixii dhacay, isla markaana ay isla xisaabtamayso, lalana xisaabtami doonto cidkasta oo u xilsaarnayd oo shaqadaas dalka u haysay, si aan dhacdadaas oo kale markale u dhicin.

"Cid kasta oo gudan weyday waajibkeeda, cid kasta oo gaabis ka yimi, cidkasta oo xadgudub ka yimi, intaba waa lala xisaabtami doonaa" ayuu yidhi ra'iisal wasaare Xamse, isagoo sheegay inay isla xisaabtanka gaadhsiin doonaan illaa halka ugu dambaysa.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada