Saraakiil Itoobiyan ah oo gaaray Magaalada Garoowe & xogo kasoo baxaya safarkooda

Saraakiil Itoobiyan ah oo gaaray Magaalada Garoowe & xogo kasoo baxaya safarkooda

daajis.com:- Wararka Naga soo gaaraya Magaalada garoowe ee Caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan inay halkaasi gaareen Saraakiil Ciidan oo ka socota dowladda Itoobiya.

Saraakiishaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada garoowe kusoo dhaweeyay taliye ku-xigeenka ciidanka Puntland, iyaga oo loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada.

Saraakiishaan ayaa sidoo kale la filayaa inay la kulmaan Madaxweynaha Maamulka Puntland oo hadda safar ugu maqan degaano katirsan gobolka Sanaag markii uu dib ugu soo laabto magaalada.

Millatariga dowladda Itoobiya ayaa dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaannada Dawlad-gobolleedyada ee xadka la leh , tan iyo markii Al-Shabaab ay ka tallaabeen xadduuda gobollada Bakool iyo Hiiraan, waxaana saraakiishaan ay horay u tageen magaalooyinka baydhabo iyo Hargeysa







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada