Xildhibaano dalbaday in hay’adaha Amniga lagula xisaabtamo weerarkii dhacay

Xildhibaano dalbaday in hay’adaha Amniga lagula xisaabtamo weerarkii dhacay

daajis.com:- Xildhibaano katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay falalka amni darro ee kusoo batay magaalda Muqdisho & weerarkii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Xayaat oo kuyaalla agagaarka isgoyska km4 ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur madoobe oo Maanta furay Kulanka Golaha Shacabka ayaa

Qaar kamid ah xildhibaannada golaha Shacabka oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Villa Hargeysa ka hor kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay hotelka Xayaat si arxan darro ah loo dilay.

Xildhibaannada kala ah Cismaan Maxamuud ( Xaadoole) iyo Mustaf Dhuxuloow ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka hortagto weerarada ay hotelada u geysanayaan Al-Shabaab.

Cismaan Maxamuud ( Xaadoole) ayaa sigaar u sheegay in aan loo baahneyn in dad yar oo kooban muddo 24 saacadood ah Guri lagu rasaaseeyo, isaga oo sheegay in Al-Shabaab lala dagaalamo ama leysku dhiibto.



Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ula yaabay dhibaatadii laga maray weerarkii Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Xayaat, isla markaana loo baahan yahay qorshe cad oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada