Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

daajis.com:- Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 27aad oo howlgallo kala duwan weli ka wada deaano katirsan gobolka Hiiran ayaa waxaa ay la wareegeen degaanka Hees oo hoostaga demada Matabaan ee gobolkaasi Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada Guutada 5aad ee qeybta 27ad ayaa sheegay in Cidiaamda ay dagaal kula wareegeen degaanka Hees, isla markaana ay burburiyeen saldhigyadii Ururka Al-Shabaab ee deganka Hees, kadib markii

Sidoo kale waxaa ay sheeeen in ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed sii wadi doonaan howlallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo ay ka flinayaan degaannada hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo dhowr jeer Al-Shabaab weeraro kala duwan ka fuliyeen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa Ciidamada ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen howlgalka, isaga oo ugu baaqay inay sii wadaan ilaa iyo inta ay ka saarayaan guud ahaan degaannada Gobolka Hiiraan.


Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayeen maleeshiyaadka macawiisleeyda waxaa ay howlgallo ka sameeynayeen degaano hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, iyaga oo degaano dhowr ah la wareegay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada