ATMIS oo hoos u dhigtay doorka maleeshiyaadka Macwuusleyda ee dagaalka Shabaab.

ATMIS oo hoos u dhigtay doorka maleeshiyaadka Macwuusleyda ee dagaalka Shabaab.

daajis.com:- Howlgalka Kumeel Gaarka ah Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda deegaano kamid ah dalka.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada ee ATMIS ayaa lagu sheegay iney qeyb ka ahaayeen ciidamadii Al-shabaab kala wareegay degaanada Abooray, Yasooman iyo Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo degaanka Sini-dhaqo ee gobolka Galgaduud.


Qoraalka ATMIS ayaan marnaba lagu muijin doorka weyn ee dagaaladaasi ay ku leeyihiin maleeshiyaadka deegaanka ee Macwuusleyda loo yaqaano, iyagoo guulaha laga gaaray duulaanadaasi dusha u saariyay oo kaliya ciidamadooda iyo kuwa dowladda.

Si kastaba, Wali si dhab ah uma cadda doorka ay ATMIS ku leheyd dagaaladan, iyadoo sawirrada laga soo qaaday jiida hore ee dagaalka lagu arkayay oo kaliya ciidamadda dowladda iyo kuwa deegaanka ee is garabsnaaya oo ku sugan deegaanada laga qabsaday kooxda Al-Shabaab.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada