Maxay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo António Guterres?

Maxay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo António Guterres?

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ee dalkan Mareykanka kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay António Guterres, waxayna ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira Soomaaliya iyo caalamka.

António Guterres ayaa ugu hambalyeeyay madaxweyne Maxamuud doorashadiisa, waxayna intaas kadib ka wadahadeen arrimaha 'mudnaanta u leh' Soomaaliya, sida iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, xoojinta hay’adaha dowladda Soomaaliya, xaaladda bini’aadantinimo ee daran, baahida loo qabo in wax laga qabto saameynta isbeddelka cimilada, iyo xaaladda amniga Soomaaliya.


"Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qaramada Mideoobey, halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada" ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya kaddib kulanka madaxweyne Xasan SHeekh iyo António Guterres.



"Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caalamka ee gurmadka abaaraha" ayuu raaciyay bayaanka Villa Soomaaliya.

Madaxweynah Soomaaliya ayaa maalmahaan ku sugnaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York halkaas oo uu uga qeybgalay shirka 77-aad ee golaha guud, isaga oo khasmiistii ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay isbeddelka cimilada, Covid-19 iyo argagixisada.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada