Ciidamada dowladda oo degaano dhowr ah ka qabsaday Al-Shabaab

Ciidamada dowladda oo degaano dhowr ah ka qabsaday Al-Shabaab

daajis.com:- Wararka ka imanaya gonboka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dawladda oo kaalmo ka helaya kuwa degaanka ay qabsadeen tuulada Booco oo ilaa 50km dhinaca Koonfur Bari ka xigta magaalada Beledweyne maanta.

Saraakiisha degaanka ayaa warka qabashada Booco u xaqiijiyey idaacadda VOA. Qabashadan ayaa daba socota hawlgallo ay maalmahan degaanka ka wadeen ciidamada dalwadda federaalka iyo dadka degaanka oo is abaabulay.

Dhinaca kale wararka ka imanaya Dhuusamareeb ayaa iyaguna sheegaya in ciidamda dawladda federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug ay qabsadeen degaanka Sinadhaqo oo u dhow magaalada.

Qabsashada kadib ayaa la sheegay inuu degaanka ka dhacay qarax loo adeegsaday miinada la dhigo waddada dhinaceeda. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada