Mareykanka oo wajahaya China kadib ballan-qaad uu BIDEN u sameeyay Taiwan

Mareykanka oo wajahaya China kadib ballan-qaad uu BIDEN u sameeyay Taiwan

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay difaaci doonaan Taiwan haddii ay dhacdo in China ay ku duusho.

Waa hadalladii ugu xasaasinaa ee Biden uu kaga hadlo arrintan, waxayna dhaliyeen jawaab caro leh oo kasoo baxday China oo sheegtay inay baaq khaldan u dirayaan kuwa raadinaya Taiwan madax-banaan.

Biden oo lagu wareystay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ayaa la weydiiyey in ciidamada Mareykanka ay difaaci doonaan jasiiradda sida iskeed ah isku maamusho, wuxuuna ka jawaabay “Haa, haddii dhab ahaantii uu dhaco weerar aan horey loo arag.”

Mar la weydiiyey inuu kala caddeeyo haddii si ka duwan Ukraine, ciidamada Mareykanka ay difaaci doonaan Taiwan haddii ay ku duusho China, Biden wuxuu ku jawaabay: “Haa.”

Hadallada Biden ayaa ah kuwa muhiim ah, sababtoo ah Mareykanka wuxuu horey u lahaa siyaasad “hubanti la’aan istaraatiiji ah” oo ah inaanu kala caddeyn inuu militari ahaan u jawaabi doono haddii la weeraro Taiwan.

Mar la weydiiyey afhayeenka Aqalka Cad waxa uu sheegay in siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Taiwan aysan isbeddelin.

“Madaxweynaha horey ayuu u sheegay arrintan, oo ay ku jirto safarkii uu horraantii sanadkan ku tegay Tokyo. Wuxuu sidoo kale caddeeyey in siyaasaddeena Taiwan aysan isbeddelin, taasina waa arrinta dhabta ah,” ayuu yiri afhayeenka.


Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda China, Mao Ning ayaa weriyayaasha ugu sheegtay Beijing in hadallada Biden ay “tilmaan khaldan oo halis ah u dirayaan” xoogagga gooni u goosadka ah ee raadinaya Taiwan madax-banaan.

China “si xooggan ayey uga soo horjeeddaa” hadallada Biden waxayna diiwaan-gelisay ashtako rasmi ah,” ayey tiri, ayada oo intaas ku dartay in China ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay uga hortagto gooni u goosadka.

Wasaaradda arrimaha dibedda Tawain ayaa uga mahad-celisay Biden inuu dib u xaqiijiyey “Ballan-qaadka amni ee adag ee Mareykanka ee ku wajahan Taiwan.”

REUTERS + VOA






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada