Boqorka beesha KHADIIJA DIIRIYE oo u jawaabay UMAL

Boqorka beesha KHADIIJA DIIRIYE oo u jawaabay UMAL

daajis.com:-  Boqorka beesha ay kasoo jeedo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa u jawaabay Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo dhaliilay waxa uu ku tilmaamay sarwaal ay horey u xiratay, wasiirka gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya.

“Khadija marka ay surwaalka xirato un ayay isku diin yihiin Sheekh Umal iyo sheekhyada kale. Khadiija waxay yiraahdeen, waa Yixir, waa Midgaan waa 4.5, markii horeba diinta way ka saari jireene, maxaa ka galay surwaalkeeda,” ayuu yiri boqorka oo muuqaalkiisa Baraha Bulshada lagu baahiyay.

“Sheekh Maxamed Cabdi Umal, haddii uu Khadiija Diiriye jeclaaday, aniga ayaa u boqor ah, oo u mehrinaaya ee ha isoo maro. Haddii uu surwaalkeeda ka hadlay wuu jeclaaday,” ayuu yiri.

Hadalka Sheekh Maxamed Cabdi Umal, ayaa waxaa sidoo kale jawaab ka bixisay wasiir Khadiija, oo sheegtay in Sheekha aanay waxbo ka gelin surwaalkeeda, maadama dumar badan oo Muslimiin ah ay xirtaan.

“Wasiiradda dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa meel fagaare ah la taagan sarwaalkii ragga ay gogosha ku seexanayeen, oo ay isku soo sawirtay, markaas ayay Baraha Bulshada soo dhigeysaa, xitaa xishood darrada iyo sariig la’aanta heerkaas ayay gaartay,” ayuu sheegay Sheekh Umal.

Sheekh Umal ayaa ka digay dumarka sameynayaan tallaabooyinka dhaqan xumada ee ka dhanka ah diinta Islaamka ee ay ku kacayaan.

“Maxay u galayaan waxaysan garaneyn? maxay qiyamka iyo akhlaaqda dumarka u weerarayaan? imisaa dumar baa laga qabanaya diinta Ilaahey” ayuu yiri Sheekh Maxamed Umal, oo khudbadda jimcaha ka jeedinayay masjid ku yaalla magaalada Nairobi.




Khadiija Maxamed Diiriye oo muuqaal soo dhigtay boggeeda Facebook, ayaa waxay tiri “Dunida Muslimka ah marwooyinka ugu sarreeya ayaa saraawiisha xiran, sarwaalka shaley laga hadlay kama duwano saraawiishaas” ayey carabka ku dhufatay Khadija Diriye.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada