NISA oo gacanta ku dhigtay 10 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab

NISA oo gacanta ku dhigtay 10 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab

daajis.com:- Hay'adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa 10 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab gacanta ku dhigtay, kadib howlgal habeen hore ay ka sameysay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaarada warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo lagu sheegay in maleeshiyadan, hub iyo rasaas ay wateen laga qabay saddex guri oo kala duwan oo ay daganaayeen, isla markaana la fashililyay howlgal ay damacsanaayeen inay fuliyaan, kaas oo ay ka war heshiay NISA.

"Ciidamada ayaa burburiyay shabakadan Al-shabaab oo qorsheynayay falal argagixisanimo oo ay ku doonayaan inay ku qalqal galiyaan caasimadda, islamarkaana ay shacabka ku dhibaateeyaan" ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.

"Argagaxisada la qabtay ayaa isugu jira koox dhagar qabayaal ah oo loo diyaariyay in ay beegsadaan dadka aan waxba galabsan ee Muqdisho, dhaqaatiir loo diyaariyay in ay daaweeyaan maleeshiyaadka iyo kuwa kale oo u fududeeyay argagixisadda hooy iyo gaadiid" ayuu raaciyay bayaankan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay 'ka go’an ciribtirka argagixisada' iyada oo uga mahadcelineysay shacabka Soomaaliyeed xogta ay la wadaageen, waxayna ugu baaqday 'dhalinyarada ay marin habaabiyeen argagixisadu' inay dowladda isu soo dhiibaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada