Sawirro: DANAB oo burburiyey xaruntii ugu weyneyd ee qaraxyada ee Al-Shabaab

Sawirro: DANAB oo burburiyey xaruntii ugu weyneyd ee qaraxyada ee Al-Shabaab

daajis.com:- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta burburiyay Saldhigii ugu weyna ee argagixisada Al-Shabaab ay ku diyaarin jireen qaraxyada.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda ciidamada ayaa maanta oo Khamiis ah waxay howl-galkaan lagu burburiyay xarunta muhiimka u aheyd Al-Shabaab ay ka fuliyeen agagaarka Tuulada Tixsiile iyo Garas Gawaan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Danab ayaa wada howl-galo culus oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, ayaga oo sidoo kale xalay burburiyey saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

“Degaankaan ayaa kooxda u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan oo dhibaato badan kala kulmay dhagar-qabayaasha Al-Shabaab.”

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howl-galkaas ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.


Si kastaba, Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa howl-galo iyo guluf dagaal ka waday gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada