Daawo: Khadiija Diiriye oo u jawaabtay Sheekh Umal

Daawo: Khadiija Diiriye oo u jawaabtay Sheekh Umal

daajis.com:- Wasiirka haweenka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa u jawaabtay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo weerar ku qaaday dhowaan sababo la xiriir surwaal ay xiratay.

Sheekh Umal ayaa wax laga yaxyaxo ku tilmaamay lebiska ay isku soo sawirtay Maamo Khadiija, isagoo tallaabadaas ku macneeyey mid fariin culus xambaarsan oo dhaqanka suuban ee Muslimiinta meel ka dhac ku ah.

“Habar wasiir ah oo dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa meel fagaare ah la soo istaagtay surwaalkii ragga loogu tala galay, xitaa maaha surwaalka lebiska ee waa surwaalkii sariirta, hadana waxay soo dhigtay Social media-ha, indha adeyga, xishood darrida iyo sariig la’aantu heerkaas ayey gaartay, 60 jir wey ka weyntahay, bal maxaa u haray oo da’daan ay isku qaawineysaa?” ayuu yiri Sheekh Umal.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo xalay muuqaal jawaab ah soo dhigtay boggeeda Facebook ayaa tiri “Dunida Muslimka ah marwooyinka ugu sarreeya ayaana saraawiisha xiran, sarwaalka shaley laga hadlay kama duwano saraawiishaas.” 

Waxay intaa ku dartay in aan lasoo koobin karin tirada dumarka xirta saraawiisha ee ka shaqeeya hay’adaha dowladda. 

“Waxaa soo wehliyay shaley oo Jimco aheyd in uu ka hadlo Sheekh Umal, diinta Islaamka waa nasteexo, midda koowaad waxay ka hadleen surwaal, waxay ogyihiin umadda Soomaaliyeedna ogtahay iska dhaaf dumarka Soomaaliyeed yar iyo weyn, inta surwaal xiran oo goleyaasha dowladda iyo hay’adaha dowladda ka shaqeeyo lama xisaabin karo,” ayay tiri Wasiir Khadiijo. 

Hoos ka daawo muuqaalka Khadiija 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada