Ciidamada dowladda oo howlgal ka fuliyey Buq-Aqable

Ciidamada dowladda oo howlgal ka fuliyey Buq-Aqable

daajis.com:- Ciidanka Kumaandoska Danab ayaa xalay hawlgal ka fuliyey degaanka Buq-Aqable ee gobalka Hiiraan oo ka mid ah meelaha ay Al-Shabaab ku xooggan yihiin, sida ay sheegtay idaacadda ciidnaka xoogga dalka.

Idaacadda ayaa sheegtay in ciidanku ay hawlgalkaas ku dileen 11 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen goobo ay Al-Shabaab leeyihiin.

Ilo-wareed ku sugan degaanka ayaa VOA u sheegay in iska hormaad kooban uu ka dhacay duleedka Buq-Aqable ka hor intii aanu ciidamadu hawlgalka ku gelin Buq Aqable.

Degaanka Buq-Aqable ayaa qiyaastii 40 km dhanka galbeedka ka xigta degmada Buloburte ee gobalka Hiiraan.

Bartamahii bishan ayey aheed markii ay ciidamada Danab howlgal ay ka fuliyeen degaanka Buq-Aqable.

Taliyaha ciidamada xooga sarreeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in howlgalka ay ku dileen 18 ka mid ah malayshiyaadka Al-Shabaab.


Ciidamada dowlada iyo kuwa degaanka ayaa kooxda Al-Shabaab ka qabsaday in ka badan kalabar dhulkii ay ka joogeen gobalka Hiiraan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada