Golaha Ammaanka oo maanta kulan deg-deg ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka oo maanta kulan deg-deg ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

daajis.com:- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xog-wareysi ah oo al-baabadu u xiran yihiin ka yeelan doonaan Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana ay ka jiraan abaaro darran, ayada sidoo kale la saadaaliyey inay macluul ka dhici karto dhammaadka sanadka.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fiona Lortan iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber ayaa golaha warbixin siin doona xaaladda Soomaaliya.







_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada