Uhuru iyo Ruto oo markii ugu horresay muddo bilooyin ah wadahadlay

Uhuru iyo Ruto oo markii ugu horresay muddo bilooyin ah wadahadlay

daajis.com:- Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa sheegay inuu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha xilka kasii degaya Uhuru Kenyatta, wuxuuna sheegay inay ka wadahadleen doorashadii dhacday iyo marxaladda kala guurka ah ee Kenya.

"Waxaan wadahadal taleefoonka ah la yeeshay madaxdeyda madaxweyne Uhuru Kenyatta. Waxaan ka wadahadalnay doorashooyinka guud ee dhawaan lasoo gabagabeeyay iyo marxaladda kala guurka sida ku cad dhaqankeena dimoqraadiga ah" ayuu madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto kusoo qoray boggiisa Twitter-ka.

Kenyatta ayaa shalay mar uu la hadlayay shacabka Kenya diiday inuu xuso magaca Ruto oo Isniitii Maxkamadda Sare ee Kenya ay go'aamisay gushiisa, waxaana Ruto uu hore u sheegay inuusan muddo bilooyin ah la hadli Kenyatta oo uu muddo 10 sano ah madaxweyne ku xigeen u ahaa,

Kenyatta ayaa doorashadii dhacday ku taageeray hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo markii shanaad u taratmay xilka madaxweynaha Kenya.

Ruto ayaa lagu wadaa in 13-ka bishan loo dhaariyo xilka madaxweynaha cusub ee Kenya.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada