DEG DEG: Dagaal ka socda Gal gaduud kadib markii al shabaab la weeraray

DEG DEG: Dagaal ka socda Gal gaduud kadib markii al shabaab la weeraray

daajis.com:- Dagaal udhaxeeya ciidamada dawlada oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al Shabaab ayaa ka socda deegaanka cadikibir ee gobolka gal gaduud.

Dagaalkaan oo maanta qarxay ayaa waxaa weerarkiisa qaaday ciidamada dawlada iyo dadka deegaanka is hubeeyey kuwaas oo beegsaday fadhiisin Al Shabaab kulahaayeen tuulada dhuumoodle oo udhaw cadikibir.

Dadka deegaanka oo hubka qaatay waxay sheegeen inaysan udul qaadan Karin dhibaatada shabaab ku heyso deegaankooda maadaama ay gubeen ceel biyood ku yaallay cadikibir iyo shirkad isgaarsiin oo ay bur buriyeen maalmo ka hor.

Ciidamada gor gor ee xoogga dalka soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ayaana la sheegay inay la wareegeen tuulada dhuumoodle oo shabaabka laga saaray,iyadoo dagaalka ka hor uu dhacay qarax gaari ay la socdeen ciidamada dawlada lagu weeraray.


Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi dhacay iyo dagaalka weli ka socda halkaasi iyadoo ciidamada dawlada ay sheegeen inay sii wadi doonaan duulaanka lagu qaadayo deegaanada ay weli shabaab ka joogaan gobolka gal gaduud.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada