Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Addis Ababa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Addis Ababa

daajis.com:- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd gaaray magaalda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waa safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo intii dib loo soo doortay.

"Itoobiya waxay si diirran kuugu soo dhawaynaysaa socdaalkan shaqo ee labada maalmood ah" ayuu bartiisa Twitter kusoo qoray Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kadib markii uu garoonka kusoo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxtooyada Soomaaliya weli wax faah-faahin ah kama bixin safarka madaxweynaha ee Itoobiya.

Safarka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli ay dagaallo ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab ay kasocdaan gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyada oo magaalooyin iyo deegaanno dhowr ah laga xoreeyay Al-shabaab.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada