Militariga Mareykanka oo qirtay inuu dad rayid ah dil iyo dhaawac ugu geystay dalal ay Soomaaliya ku jirto

Militariga Mareykanka oo qirtay inuu dad rayid ah dil iyo dhaawac ugu geystay dalal ay Soomaaliya ku jirto

daajis.com:- Militariga Mareykanka ayaa dilay 12 qof oo rayid ah sanadka 2021, weerarro dhammandood ka dhacay dalka Afghanistan, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Pentagon-ka oo lasii daayay Talaadadii.

"Waaxda Difaaca waxay qiimeysay in ku dhawaad 12 qof oo rayid ah lagu dilay laguna dhaawacay ku dhawaad 5 qof oo rayid ah intii lagu guda jiray 2021-ka, taasoo ka dhalatay howlgallada ciidamada Mareykanka,” ayaa lagu yiri warbixinta, oo Koongarasku codsaday in lasii daayo sannad kasta tan iyo 2018, iyada oo qeyb ka mid ah ay aheyd sir.

Dhammaan dhimashada dadka rayidka ah ayaa ka dhacay Afghanistaan, sida ay sheegeyso qeybta la faafiifay ee warbixintan.

Pentagon-ka ayaa horey u qirtay mas'uuliyadda dhimashada 10 xubnood oo isku qoys ah, oo ay ku jiraan toddoba carruur ah, intii lagu jiray ka bixitaankii Mareykanka ee Afghanistan oo dhammaaday Ogosto 2021.

Sidoo kale, Milliteriga Maraykanka ayaa qirtay inay 1-dii Janaayo ay ku dhaawaceen saddex qof oo rayid ah duqeyn ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan Kuunyo Barrow.


Pentagon-ka ayaa sidoo kale dib u qiimeyn uu ku sameeyay tirakoobkeeda dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee dalka Suuriya laga soo bilaabo 2018 ilaa 2020 ku ogaaday, kuna qirtay 10 kale oo dhimasho ah iyo 18 dhaawac ah.

Hay'adaha aan dowliga aheyn ayaa si joogto ah u daabaca qiimaynno aad u sarreeya oo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay duqaymaha Maraykanka ee aagagga colaadaha.

Hay’adda Airwars oo diiwaangelisa dadka rayidka ah ee ku waxyeelooba duqeymaha cirka ee adduunka, ayaa warbixinteeda sannadlaha ah ee la daabacay bishii May ku qiyaastay in inta u dhaxaysa 15 ilaa 27 qof oo rayid ah lagu dilay hawlgallada Maraykanku ka fuliyo Suuriya oo keliya.

Bishii Janaayo 2022, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa ku boorriyay militariga inay sameeyaan isbedel ay uga fogaadaan waxyeellada dadka rayidka kasoo gaarta weerarada cirka, kadib markii dhowr khalad oo dhimasho ah ay waxyeelleeyeen sumcadda millatariga.

"Ilaalinta dadka rayidka ah waa istaraatijiyad iyo damiir lagama maarmaan ah," ayuu Austin ku xusay qoraal ku socday taliska ciidamada Mareykanka.

AFP.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada