Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay xerada ciidamada General Dhagabadan

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay xerada ciidamada General Dhagabadan

daajis.com:- Qarax is-miidaamin ah ayaa maanta ka dhacay bannaanka xerada ciidamada Jeneraal Dhagabadan ee degmada Wadajir una dhow Warshaddii hore ee Nacnaca ee magaalada Muqdishu, sidaasi waxaa sheegay goobjoogayaal iyo ilo wareedyo caafimaad.

Qaraxan is-miidaaminta ah ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. Xogta ay VOA Somali kasoo ururisay ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in qaraxan is-miidaaminta ah ay dad ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Warbaahinta magaalada Muqdishu qaarkood ayaa tebinaya in ay ku dhinteen ilaa 15 qof, in ka badan 10 kalena ku dhaawacmeen.

Dolwadda Soomaaliya ayaan ilaa hadda xaqiijin tirada dadka ku waxyeelloobay weerarkan.

Ururka Al-Shababa ayaa iyagu sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Ma aha markii ugu horraysay ee isla nawaaxiga qaraxu ka dhacay ay weeraraan ururka Al-Shabaab iyaga oo horey u beegsan jiray dadka qoranaya askarta dawladda.

Weerarkan ayaa sidoo kale imanaya iyada oo ururka Al-Shabaab toddobaadyadii u dambeeyey uu soo food saaray guluf dagaal oo uga imanaya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaasi oo ka qabsaday tobannaan tuulo iyo deegaan oo ku yaal gobollada Hiiraan iyo Galguduud.


Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa u sheegay telefiishanka Universal TV in dawladda Turkigu ‘kusoo biirtay’ in ay taageero dhinaca cirka ah siiso ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dawladda Turkiga ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin inay taageero cirka ah siiso Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada