Ukraine oo shaacisay inay badbaadineyso Somalia

Ukraine oo shaacisay inay badbaadineyso Somalia

daajis.com:- Madaxweynaha waddanka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa ku dhowaaqay inay garab istaagi doonaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilli ay haatan la daala dhacayaan abaar daran oo ku dhuftay koonfurta & bartamaha dalka.

Zelensky ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay sii wadi doonto in waddamada ay saameeyeen abaaraha oo ay ku jirto Soomaaliya ay ku bad-baadiyaan Qamadigooda

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaaday in todobaadyada soo socda ay Soomaaliya soo gaarsiin doonaan 28,600 oo tan oo Qamadi ah, si loogu badbaadiyo nolosha dadka tabaaleysan.

Inkastoo uu dagaal ka socdo dalka Ukraine ayaa haddane madaxweyne Zelensky wuxuu tilmaamay in aysan hor istaagi doonin in wadamada kale ay u dhoofiyaan Hadhuudhkooda.

“Ukraine waxa ay ka qayb qaadaneysa badbaadinta guud ahaan caalamka, Maraakiib gargaar wada ayaan u diri doonaa Afrika, 28,600 oo tan oo Qamadi ah ayaa saaran oo waxa ay todobaadyada soo socda tagi doonaan Soomaaliya, Qaramada Midoobay waxa ay bixisay saadaal halis ah oo u baahan in lala dagaalamo waa in ay macluul dhici karto dhammaadka sanadkaan” ayuu yiri madaxweyne Volodymyr Zelensky.

Ukraine ayaa dhowaan billowday in Qamadiga dalkeeda loo daabulo Dunida inteeda kale, si wax looga qabto abaaraha ka jira dalal ka tursan Qaaradda Afrika qeybo ka mid ah Aasiya.


Shixnaddii u horreeysay ee Qamadiga Ukraine ayaa sidoo kale waxaa dhowaan la geeyey dalka Jabuuti, ayadoo loogu talo galay abaaraha ka jira dalkaas iyo sidoo kale Itoobiya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan waxaa jira xaalado bani’aadanimo oo aad u daran, ayadoo QM ay saadaalisay inay macluul ku dhufan karto dhammaadka sanadkan 2022-ka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada