Ku dhawaad 10 kooxood oo lacago baad ah ka qaada gaawaarida u kala goosha Muqdisho iyo Baladweyn

Ku dhawaad 10 kooxood oo lacago baad ah ka qaada gaawaarida u kala goosha Muqdisho iyo Baladweyn

daajis.com:- Jid-gooyooyinka isbiraada ayaa ka jiro qeybo kamid ah dalka, marka loo eego sida ay ahaan jireenn Sanado ka hor tiro ahaan markii lala bar-bardhigo kuwii hore oo ay baabi’isay dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya.

Howlgalo lagula dagaalamayo jidgooyooyinka dadka musaafurka lagu dhibaateeyo oo ay horay u sameeyeen ciidanka xoogga dalka ayaa welli dhammaan, dhowr jeer ayay madaxdii kala duwaneeyd ee jamhuuiryadda Soomaaliya soo martay  ku amartay taliska ciidanka xoogga in ay wax ka qabtaan cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan isbaarooyinka basle dhibaatooyinkaas welli waa taagan yihiin.

Qaar kamid ah Ciidanka dowladda ama shaqsiyaad kooban ayaa ayaa sameeyo falal foolxun oo ka baxsan sharuucda ciidanka Qaranka lagu dhisay waxayna si qarsoodi ah u galaan jidadka ama waddooyinka ah ku safraan gaadiidka kala duwan ee u kala sarfa caasimada iyo gobolada dalka.

Biya dhaca sheekadaan waxan diiradda ku saari doonaa dhibaatooyinka kala duwan oo ay la kulmaan baabuurta ka shaqeeyo magaaladda Muqdisho iy gobollada dalka gaar ahaan waddada xiriiirsa Xamar, shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Gaadiidka u kala goosha Gobolka Banaadir iyo Hiiraan ayaa si joogto ah waxay ula kulmaan Kooxo burcad ah kuwaas oo u gala Wadooyinka kala duwan ee isku Hiiraan Iyo Muqdisho waxayna ka qaadaan Lacago sharci darro ah sidoo kale ay jirdil xooggan u geystaan Gaadiidleyda baabuurta haddii ay bixin waayaan lacagaha ay rabaan xilligaasi.

Kooxahaan ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin ilaa dhowr kooxood ah kuwaaas oo si soo boodda ah  jidka ugu ga;a gaadiidka, lacagahaay la qaataan ayaa ka bilaabata $500 oo dollar ilaa $1000 dollar Ciddii diidana waxay ku smaeeyaan jir dil xooggan kadibna si qasab ah ayey ku bixiyaan lacagaasi.


Goobjoog oo booqatay Goobaha laga raro baabuurta goboladda gaar ahaan kuwa Hiiraan waxaynu ogaanay in dhibaatooyinkaas ay si joogto ah ula kulmaan darawallada ka shaqeeyo gawaarida kuwaas oo faah faahiyay ficiladda guracan oo ay la kulmaan si joogta taniyo markii ay ka baxaan Muqdisho ilaa ay ka gaaraan Magaalada Baladweyne.

Mid kamid wadayaasha Baabuurta oo magacasi qariyay sababo la xiriria amaankiisa ayaa yiri ” Runtii dhibaato xooggan ayan wadada kala kulanaa dowladda Canshuur ayey naga qaadaa, Al shabaab sidoo kale waa ay naga qadaaan taasi waxaa noo sii dheer Tuugada kuwaas oo lacago badan nagaa qaado sii socod iyo soo socod mararka qaar nafteenna ayaa halis gasho oo jridil ayey noo geeystaan”.

Darawalada gaadiidka ayaa ka cabanaya Isbaarooyinkaan la soo dhigay oo waxa ay sheegayaan in dhaqaalo badan looga qaado wadada xilliga ay Safrayaan.

Deeganaada lacagaha lagu qaado waxaa kamid ah Madaxkisi lafagare haanta madow gololey iyo buula Caasi kuwaas oo ah marrin ay sii maraan gawaarida usoctoo hiiraan iyo kuwa usoo socda Banaadir waana waddo istiraatiiji ah gaadiidleyda.

Shaqsiyaadkaan ayanan wadan dareees lagu garan karo balse waxay soo xirtaan dhar iska caadi ah kuwaas oo ku yimaado mootadad nuuca loo yaqaan Feeykoon ee laba lugaaleyda ah balse waxay sheegtaan in ay ka tirsan yihiin Ciidanka dowladda magacaas ayey ku qaadan lacagaha sharciga baalmarsan.

Lacagaha ay ay qaadaan ayaa lagu diraa Sarifle ay hishiis la galeen si ay iskaga ilaaliyaan in uu raad soo galo ama tixraac iyaga oo ka iska fogeeyo in lagu diro telefanada ay wadataan arrintaan aya cadeyn u ah in ay yihiin burcad dadka ku dhibaateeyo Shaarka dowladda.

Waxay ay sheegtaan in ay yihiin maamulada ka jira Tuulooyinka kala ah Warmaxan waraaboole iyo qalimoow iyaga oo ku dooda in yihiin taliska deeganada aan kor kusoo xusnay.

Dhowr darawal ayaa inoo sheegay in ay ku fikirayan gabi ahaanba in ay joojiyaan gawaarida ay wadaan maaddaama aysan ku qabin wax faa’iido ah waxana laga dheehan karaa deeranka hadalkooda Ciil iyo calool xumo loona awood sheegtay.

Halka kuwa kale oo innoo warmay ay sheegwwn in aysan u furneen wado kale oo ku maareeyaan naftooda balse ah ku qasban yihiin in ay ku shaqeeyaan xaaladda adag ee ay ku jiraan intii ah meel meel fariisan lahayeen.

Si kastaba ha ahaatee gaadiidleyda ayaa oo aan usoo bandhignay in ay ka hadlaan Cabashadooda ay ka biyo-diiday kuwaaa Goobjoog News u sheegay in naftooda u baqayaan iyaga oo sabab uga dhigay in aysan jirin cid ka difaaceyso kooxdii dhibaateyn jirtay haddii ay arkaan soo bandhigadda dhibaatada ay ku hayaan waddada. Waxayna ka dhigan tahay in aysan ka haldi karin dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo.

Intaas waxaa u sii dheer Canshuur badan oo laga qaado tusaale ahaan Dowladda Faderaalka Canshuur ayey ka qaadaa gaadiidaka Hirshabelle dhowr meel ayey ku qaadaa sida Maamuladda ka jiro shabeelada dhexe, Shabeledaa hoose iyo Hiiraan.

Bal qiyaas gaari dhowr kun oo dollar ku baxay haddii dowladdii, Maamul Goboleedyadda, Al-shaab iyo burcad intaas oo lacag ah ay ka qaadan maxuu faa’iidi karaa? Gadiidleyda ayaa dalbaday in arrintaan dowladdu si deg deg ah wax uga qabato.

W/Q: Liibaan Cabdi Warsame






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada