Ciidmao uu watay xildhibaan Xaadoole oo deegaano kala wareegay Shabaab.

Ciidmao uu watay xildhibaan Xaadoole oo deegaano kala wareegay Shabaab.

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka ay deegaano hor leh kala wareegeen kooxda Al-Shabaab, iyadoo uu si tartiib tartiib ah ku bilaabanayo gulufka Shabaab ka dhanka ah ee halkaasi ka socda.

Sida wararku sheegayaan, deegaanada Al-shabaab laga qabsaday ayaa kala ah Yaaqle, Mukadheere, dhabacoow, Kooraabe, Shanloow iyo Farbaraki oo hoos yimaada degmada Balcad.

Xildhibaan Korneel Cismaan Xaadoole ayaa hoggaaminayay ciidankan, waxeyna haatan howlgalo baaritaana ah ka wadaan deegaanadii ay kooxda Shabaab kala wareegeen, iyagoo shacabkii ay halkaasi ugu tageen u sheegay iney xaalka dajiyaan, ciidamaddana soo dhaweeyaan.

Xildhibaanka ayaa ka dhabbeeyay balanqaadkiisa ahaa in aanu ka soo muuqan doonin bandhigyadii iyo igu sawirtii maalmahan socotay ee Ciidamada iyo Gaadiidka lagu soo bandhigayay duleedka Muqdisho, balse howsha uu qabto iyo halgankiisa laga arki doono deegaannada uu kala wareego Al-Shabaab.


Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili shalay ciidamo uu watay Korneel lagu magacaabo Abuukar Boonoow ay la wareegeen  degaanka Istaraatiijiga ah ee Xawaaldeey oo hoos-yimaada isla degmada Balcad ee gobolka Sh.Dhexe.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada