Dowladda jarmalka oo cambaareysay xariga shari darrada ah ee Xoghayaha SJS

Dowladda jarmalka oo cambaareysay xariga shari darrada ah ee Xoghayaha SJS

daajis.com:- Qoraal lagu daabacay barta twitter-ka ee Safaaradda Jarmalka ay ku leedahay  Magaalada Muqdisho ayaa si xooan loogu cambaareeyay xariga sharci darrada ah ee dowladda Soomaaliya u geeysatay Xoghayaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin.

11-kii Bishaan xilli galab ah ayaa isaa oo ka duulaya Garoonka diyaaradaa Aadan-Cadde ee Muqdisho ayay kasoo xireen Ciidamo katirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya, balse qeylo dhaan kasoo yeertay Urrurada Saxaafada darted ayay ku wareejiyeen Ciidamada Booliska Soomaaliya..

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Jarmalka ay ku leedahay  Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri” Waxaan si dhow uga wada shaqeynaa si aan u horumarino saxafiyiinta xirfadda leh iyo kor u qaadida kiis heerkii ugu sarreeyay & la socoshada in nidaamka xuquuq dhowrka leh loo raaco sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta.


Maalintii Afaraad ayuu si sharci darro ah ugu xiran yahay dowladda Soomaaliya Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin, iyada oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in la caburiyo Saxafiyiinta.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada