Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka oo ku gacan seyrtay dacwad ka timid Trump

Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka oo ku gacan seyrtay dacwad ka timid Trump

daajis.com:- Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa diidday dacwad ka timid madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kaasoo maxkamadda sare ka dalbaday in khabiir madaxbanaani uu baadhi karo, in ka badan 100 waraaqood oo sir qaran ah, oo ay hay’adda FBI ka soo qaadday gurigiisa ku yaalla Florida.

Garsoorayaasha maxkamadda sare oo soo saaray amar kooban, ayaa diiday codsigii uu Trump u maxkamadda sare u gudbiyey bishii October 4-teedii, kaasoo ku saabsanaa in meesha laga saaro amar ay soo saartay maxkamadda racfaanka oo dhigayey, inaan khabiirka madaxa banaani awood u lahayn, inuu baadho ama arki karo macluumaadka ku qoran in ka badan 100 waraaqood oo sir qaran ah.

Warqadahan ayaa qayb ka ahaa ku dhowaad 11,000 oo waraaqood oo bishii August laga soo qaaday guriga Madaxweynihii hore ee Trump,.

Garsoorayaasha maxkamadda sare oo ka kooban sagaal, ayaa saddex ka mid ah waxaa magacaabay madaxweyne Trump intii uu xafiiska joogay.


Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka oo ku gacan seyrtay dacwad ka timid Trump



Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa si weyn uga hortimi in khabiir madax banaani inuu eegi karo ama baadhi karo, in ka badan 100 waraaqood oo sir qaran ah, waxayna dacwada Trump ku tilmaantay mid baal marsan sharciga.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada