Mareykanka:- Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday gobolka North Carolina (Daawo Sawirro)

Mareykanka:- Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday gobolka North Carolina (Daawo Sawirro)

daajis.com:- Shan qof oo uu ku jiro Sarkaal Booliis ah oo aan shaqada ku jirin ayaa lagu toogtay caasimadda gobolka North Carolina ee Raleigh, taasoo dhalisay howgal ballaaran iyo la xiro qayb ka mid ah magaalada muddo saacado ah.

Booliska ayaa markii dambe xiray tuhmane dhallinyaro ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

Laba qof ee ku dhaawacantay weerarka ayaa kala ahaa askari boolis ah oo la daweeyay iyo qof isbitaal ku jira oo xaaladdiisu liidato, sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliiska.

Toogashada ayaa ka dhacday meel u dhow Wabiga Neuse ee Greenway, Qiyaastii saddex saacadood ka dib, booliisku waxay sheegeen inay ku jiraan howlgal lagu soo qabanayo tuhmanaha oo ku jiray guri u dhow meel kaymo ah, iyagoo markii dambe sheegay in tuhmanaha weerarkaas fuliyey uu ahaa kaliya nin caddaan ah oo aan qaan-gaarin lana dhigay xabsiga.

Duqa magaalada Mary-Ann Baldwin ayaa cambaaraysay rabshadihii ugu dambeeyay, halka barasaabka North Carolina Roy Cooper uu ka xumaaday “argagixisadu waxay soo gaadhay albaabkayaga.”ayuu yiri

Warbaahinta ayaa sheegtay in qofka toogashada geystay uu adeegsaday qori dheer. Booliisku wax tafaasiil ah kamay bixin sida ay toogashadu u dhacday iyo soo qabashada tuhmanaha oo u muuqday mid xanuunsaday oo xanaaqsan


Lama oga sababta uu ninkan u geystay weerarka lagu laayey dadka, hase ahaatee booliska ayaa sheegay iney baaritaano wadaan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada