Daawo Sawirro laga soo qaaday deegaanka Wabxo ay la wareegeen Ciidanka huwanta

Daawo Sawirro laga soo qaaday deegaanka Wabxo ay la wareegeen Ciidanka huwanta

daajis.com:-Ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Wabxo oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo 15-sanno ah heesteen Al Shabaab.

Dagaal culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday duleedka deegaanka Wabxo ayaa ugu dambeyn suurto galisay in deegaankaasi si buuxda ciidamada huwanta ah ula wareegaan kana saaraan dagaalyahanadii Al Shabaab ee horey u joogay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa fariisimo ka sameestay deegaanka Wabxo iyo duleedkeeda, waxa ayna ciidamada isku diyaarinayaan duullaan kale ay ku qaadaan degmada Ceelbuur iyo deegaano hoostaga.


Saraakiisha iyo xildhibaanada hoggaaminaya ciidamada la wareegay deegaanka Wabxo ayaa sheegay in ay horey usii soconayaan uuna qorshaha ugu jiro in ay la wareegaan degmada Ceelbuur iyo deegaano kale oo hoostaga oo ku jira gacanta Al Shabaab.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada