Wareeggii ugu dambeeyay wadahadallada hub ka-dhigista TPLF ee Nairobi

Wareeggii ugu dambeeyay wadahadallada hub ka-dhigista TPLF ee Nairobi

daajis.com:- Wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalada nabadeed ee u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo wakiillada gobolka Tigray ayaa wakhti dheeri ah lagu daray, iyadoo taliyayaasha ciidamada ay ka shaqeynayaan tafaasiil ku saabsan hub ka dhigista ciidamada Tigrayga kadib laba sano oo colaad ah.

Sarkaal la socda wadahadalladan oo codsaday in aan la magacaabin maadaama aan loo oggoleyn inuu ka hadlo arrinkan, ayaa xaqiijiyay wakhtiga dheeriga ah ee lagu daray socoshada shirkan Khamiistii.

Wadahadalladii Isniintii ka furmay Kenya ayaa lagu waday in la soo afjaro Arbacadii.

Wadahadallada uu hoggaaminayo Midowga Afrika ayaa daba socda saxiixii todobaadkii hore ee “xabbad-joogtinta rasmiga ah” ee colaadda oo lagu qiyaasay inay ku dhinteen boqollaal kun oo qof.

Heshiisku wuxuu dhigayaa in ciidamada Tigray-ga hubka laga dhigo toddobaadyo gudahood, balse waxaa jira walaac laga qabo marka dagaalyahannada kale ee aan heshiiskan qaybta ka ahayn ay ka baxaan Tigrayga.

Waxaa ka mid ah ciidamo ka socda Eritrea oo deris la ah gobolka iyo kuwa kale oo ka socda gobolka Amxaarada ee Itoobiya.

Qodobada kale ee looga hadlay wareeggaan waxaa ka mid ah dib u soo celinta adeegyada aasaasiga ah sida internetka, isgaarsiinta iyo bangiyada gobolka ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo qof, iyo sidoo kale dib u soo celinta gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo.


Hormuudka wadaxaajoodka dhinaca dowladda Itoobiya, Redwan Hussein, ayaa sheegay in "laga yaabo in dhamaadka toddobaadkan ama bartamaha toddobaadka soo socda" in gargaarka bini'aadantinimo loo ogolaan doono in uu galo Tigray.

AP.






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada