Wararkii ugu dambeeyay weerar qaraxyo ku billaawday oo lagu qaaday Saldhig kuyaalla Galgaduud

Wararkii ugu dambeeyay weerar qaraxyo ku billaawday oo lagu qaaday Saldhig kuyaalla Galgaduud

daajis.com:- Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Al-Shabaab saaka ay weeraro ismiidamin ah ku ku qaadeen saldhig miltariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaal culus ayaa saaka salaaddii subax kadib ka bilowday deegaanka Qaayib oo qiyaastii dhowr iyo soddon kiiloomitar u jira magaalada Baxdo, waxaa la sheegay in labo gaari oo lagu soo raray walxaha qarxa lagu weeraray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka oo taaageero ka helayo militeriga Soomaaliya ee fadhigeedu yahay deegaankaas.

Wararka waxay intaa ku darayaan in rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka xilli dagaal xooggan uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Waxaana adag in la helo xogta ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka maadama isgaarsiinta ay ka maqan tahay deegaanka Qaayib.

Ilo kala duwan oo ku sugan magaalada Baxdo ayaa BBC-da u sheegay in dagaal culus uu ka socday halkaas tan iyo saakaa salaaddii subax kadib.

Qaayib waxay kamid aheyd meelihii dhawaan laga saaray Al-Shabaab, ciidamada deegaanka oo garab ka helaya ciidamada dowladda ayaa qabsaday deegaanka oo ay dhowr iyo toban sano ka talinayeen Al-Shabaab.


ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah lagama hayo weerarka inkastoo Al-Shabaab ay saaka  galeen oo ay gacanta ku dhigeen deegaanka Qaayib, basle la sheegay inay dib u qabsadeen degaanka Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada