Beesha Saleebaan oo war kasoo saartay heshiiska ay shaaciyeen Al-Shabaab

Beesha Saleebaan oo war kasoo saartay heshiiska ay shaaciyeen Al-Shabaab

daajis.com:- Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ayaa markii u horeysay ka hadashay heshiis ay Al-Shabaab sheegtay inay la gashay beesha, kaasi oo lagu sheegay in xal nabadeeda looga gaaray dagaalka labada dhinac.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay ku baahisay warbaahinteeda ku sheegtay in heshiiska ay la saxiixatay beesha Saleebaan uu dhigayo in guud ahaan beeshu ka hortimaado gulufka dagaal ee socda, kana saarto ciidanka iyo hubkeeda safafka hore ee dagaalka.

Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan ayaa waxay ku tilmaameen waxba kama jiraan heshiiska Al-Shabaab ay sheegatay inay la gashay beesha.

Sidoo kale waxay sheegeen in dadka ku saxiixan heshiiska ay baahisay Al-Shabaab ee lagu sheegay Nabadoonada ay yihiin Odayaal horey ugu biiray kooxda Al-Shabaab.

“Al-Shabaab waxaa ku dileyna meeshii lagu arkaba, looma ilaawi doono dhibaatadii ay ka geysteen Galgaduud. Wax aan colaad iyo dagaal aheyn nagama dhaxeeyaan nimankaas,” ayey yiraahdeen.

Waxay sheegeen in Al-Shabaab ay xasuuqeen dad badan oo kasoo jeeda beeshooda, halka kuwa kalena ay barakaciyeen kadib markii ay ku gubeen deegaanadooda.

Heshiiska ay baahisay Al-Shabaab ayaa waxa qeyb ka ah in beesha ku wareejiso maxaabiis gaareysa 67 qof oo ay ka heysato, ayna u fasaxi doontaa ganacsiga iyo socodka gadiidka, iyadoo laga mamnuucay inay hub ku dhex qaataan degaanada beesha loo fasaxay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada