Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in laba sano gudahood ay dalka uga saareyso Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in laba sano gudahood ay dalka uga saareyso Al-Shabaab

daajis.com:- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in muddo laba sano gudahood ah ay guud ahaan dooneyso in dalka looga saaro Ururka Al-Shabaab oo muddo badan dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera.

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee la dagaalanka Al-Shabaab uu yahay in dalka looga xorreeyo muddo laba sano gudahood ah.

La taliyaha oo ka qeyb galayay Barnaamij ka baxayay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay dagaalka Al-Shabaab kala kaashaneyso dowladaha Maraykanka, Turkiga, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo dalalka Carabta si guud ahaan dalka looga saaro.

Wuxuu sheegay awoodda iyo jiritaanka Alshabaab inuu ku yimid ducfi dowladda ah iyo go’aan xumo ay ahayd in la wajaho. Wuxuu sheegay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed inay hadda isaga filan yihiin dagaalka Alshabaab.



Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayaa iyada oo bilo yar jirta billaawday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo abaabushay beelaha Soomaaliyeed, waxaana ay ku guuleysatay in degaano badan lagala wareego Al-Shabaab.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada