Dowladda Burkino Faso oo dalka ka ceyrisay wakiilka Qaramada Midoobay

Dowladda Burkino Faso oo dalka ka ceyrisay wakiilka Qaramada Midoobay

daajis.com:- Dowladda Milateriga ah ee Burkina Faso ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku amartay isuduwaha howlaha gargaarka bini'aadanimada ee Qaramada Midoobay Barbara Manzi inay si deg deg ah dalka uga baxdo, iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ee loo eryay.

Xiriir lala sameeyay, afhayeen u hadlay dowladda isla markiiba ma uusan sheegin sababta ay ugu calaamadisay Manzi, isuduwaha Qaramada Midoobay ee Burkina Faso, "persona non grata" oo ay ka dalbatay inay baxdo Jimcihi ishalay.

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaan isna isla markiiba ka jawaabin codsi ah inuu faahfaahin ka bixiyo ceyrada Manzi.

Burkina Faso oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka ayaa waxaa ka socda kacdoon ay wadaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo ISIS, kuwaas oo dilay kumannaan shacab ah, ayna ka abuureen mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee qaaradda sida xawliga ah u sii kordhaya.

Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa barokacay oo degan xeryo cooshado ka sameysan, oo badi ay maamusho Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku yaal baadiyaha oomanaha ah.


Rabshadaha, oo soo jiitamayay muddo ku dhow toddobo sano, ayaa ka dhacaya waqooyiga iyo bariga, taasoo curyaamisay dhaqaalaha maxalliga ah, oo sababay gaajo ballaaran, isla markaana xaddiday helitaanka hay'adaha gargaarka.

Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada