Cabdullaahi: Askarigii dilay walaalkey waa lasii daayay nin kale ayaa dil lagu xukumay

Cabdullaahi: Askarigii dilay walaalkey waa lasii daayay nin kale ayaa dil lagu xukumay

daajis.com:-  Mid ka mid ah kiiska sideed xubnood oo ay shalay xukuno kala duwan ku ridday Maxkamadda Ciidamada, kadib markii lix kamid ah lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab ayaa yeeshay weji cusub, kadib war cusub oo ka soo baxay ehellada Maxamed Xaashi Faarax oo dilkiisa ay Maxkamadda ku eedeeysay Cabdinaasir Cismaan Nuunow, kaasi oo dil toogasho lagu xukumay.

Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ayey Maxkamaddu sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu Cabdinaasir ka sameeyey degaanka Macaani isagoo beegsday gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha 7-dii September 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan.

Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.

“Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi xaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in lasii daayay dambilihii dilka geystay, isla-markaana kiiska dhabarka loo saariyay wiilka dhalinyarada ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan is weydiiyay marka xukunka dhacay ee la sii daayay danbiilihii Kiiskiini wiilkana loo saaray lana rabo in la dilo meeqo qof oo aan maalin waliba aragno Shuute oo leh waxbeey dileen ayaa sidan oo kale danbi aysan galin loo dilaa?. Dhibka ugu badan waxaa u haystaa dadka tabarta yar ee wiilkan oo kale ka dhashay,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay.


Dhinaca kale hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay hadalka kasoo baxay Cabdullaahi Xaashi Faarax ee ku aadan facelintiisa xukunka ay ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

“Waa nasiib daro weyn in qof aan denbi gelin loo toogto qof kale oo denbiila ah si loo badbaadiyo denbiilaha dhabta ah waana arin soo jiri jirtey hadeyba tan dhab tahay waana fal laga argagaxo wllhi,” ayuu yiri Baashi Xasan oo ka falciyey qoraalka Cabdullaahi Xaashi.

“Adigu mar hadii aadan taagnayn qofka walalka dilayna aadan hebel oran karin se ku ogaatay inuusan ninkaani dili ?” ayuu yiri wiil Facebooka ku soo gala magaca Philoşopher.

“Wa arin aad loga xumaado runtii,” ayuu isna yiri Shaafici Hanad.

“Brother hadaa cadeyn ku heysaan askarigii dilay wiilka maxkamadiina kiisa weecisay yuusan askarigaas magaalka laafyoone halaga adeegto warkana halkaas haku xirmo.” ayuu yiri Mursal A. Warsame.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada