Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka QATAR + Ujeedka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka QATAR + Ujeedka

daajis.com:-Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa casuumaada ka helay madaxda Qatar oo ku soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee caasimadda waddankaasi.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka ciyaaraha final-ka ee Koobka Adduunka ee u dhaxeeya Faransiiska iyo Argentina oo caawa ka qabsoomaya dalka Qatar.

Xasan Sheekh ayaa ka mid noqday madaxda kala duwan ee lagu casuumay inay goobjoog ahaadaan ciyaartaasi kama dambeysta ah, maadaama Koobka lasoo gabagabeynayo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu wadahadallo gaar ah la yeesho madaxda sare ee Qatar oo uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo  dagaalka Al-Shabaab.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ka fulisaa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.


Si kastaba, waa markii labaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud uu booqanyo waddan yar ee Qatar, kadib dib doorashadiisii 15-kii May ee sanadkan 2022-la.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada