NEWS DF Oo Soo Bandhigtay Meydka Sarkaal Shabaab Ah Oo Howlgal Lagu Dilay.

NEWS DF Oo Soo Bandhigtay Meydka Sarkaal Shabaab Ah Oo Howlgal Lagu Dilay.

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay meydka sarkaal Shabaab ah oo lagu dilay deegaan ka tirsan gobolka Sh.Dhexe.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Jingaab (Wasiir) waxaa lagu dilay howlgal ciidamadda Huwanta ay ka sameeyeen tuulada Juxaay oo hoostagta degmada Aadan Yabal oo dhawaan Shabaab laga saaray.

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in ninkaasi uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa marin habaabinta dhalinyarada iyo xagjireyntooda, waxaana lala dilay dagaal yahano badan oo Shabaab ah.

Majirto wali wax war ah oo kooxda Shabaab ay ka soo saartay dilka sarkaalkan, iyadoo kooxdaasi ay guuldarooyin is daba joog ah ka soo hoyisag dagaalka ka dhanka ah ee ka socda Hirshabelle.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada