DEG DEG: Xasan Sheekh oo kulan isugu yeeray guddoonka BF

DEG DEG: Xasan Sheekh oo kulan isugu yeeray guddoonka BF

daajis.com:- Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa caawa kulan deg deg ah isugu yeeray guddiga joogtada ee Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoonka Golaha, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Madaxweynaha ayaa lagu warramayaa inuu guddiga iyo guddoonka kala hadli doono mooshino dhowr ah oo Golaha Shacabka loo gudbiyey maalmihii tegay, kuwaas oo walaac xooggan ku abuuray madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu kala hadlo doodda ka taagan ammaanka iyo xasaanada xildlhibaanada ee hareysay kulankii shalay, ayada oo xildhibaano badan ay ku eedeeyeen xukuumadda inay xasaanadda ka qaadeyso. 

Illaa 22 xildhibaan ayaa shalay saxiixay mooshin ku saabsan xaaladda amniga dalka, kuwaas oo ku dooday inay muhiim tahay in laga hadlo amniga dalka, maadaama xaaladda waddanka ay mareyso meel halis ah.

Illaa 44 xildhibaan ayaa ogolaatay mooshinkaas markii loo qaaday codeyn gacan tag ah, kuwaas oo u codeeyey in laga dodo.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi xooggan oo laga qabo mooshin kale oo ka dhan ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji oo hadal ay sheegtay oo la xiriira sharciga Jinsiga uu dood xooggan ka abuuray dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu warramayaa inuua aad uga walaacsan yahay mooshinka amniga dalka, oo keeni kara in xukuumadda la rido, dalkana uu galo qalalaase xilli uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.




Ma cadda waxa uu madaxweynaha caawa si gaar ah ugala hadli doono guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, balse waxaaa la filayaa inuu weydiisto inay halkiyaan mooshinadan. 

Waxaa sidoo kale la filayaa in madaxweynaha uu xaqiijiyo amniga xildhibaanada oo walaac xooggan uu ka taagan tahay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada