Dil toogasho oo lagu xukumay askarigii 10 Kun Shiling Somali ah ugu dilay Balcad Darawalka.

Dil toogasho oo lagu xukumay askarigii 10 Kun Shiling Somali ah ugu dilay Balcad Darawalka.

daajis.com:- Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasha ah ku riday askari ka tirsan ciidanka dowladda oo hore u dilay nin Darawal ahaa.

Gacan ku dhiiglaha dilka lagu xukumay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed ayaa loo heystaa dilka Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo todobaadkii hore uu ku dilay isbaaro taalla degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Dhageysiga kiiskan ayaa shalay ka bilowday xarunta maxkanadda, iyadoona isla maanta xukunkaasi dilka ah lagu riday, iyadoo maxkamada ay joogeen markhaatiyaal goob joog ka ahaa xiliga falka dilka ah uu dhacayay iyo ehelada labada dhinac.


Si kastaba, Ninka xukunka dilka ah lagu riday ayaa dhanka kale maxkamada ka hor sheegay in Balcad ilaa Muqdisho oo ah qiyaastii 40KM ay taalo ilaaa11 Isbaaro sharci darra ah.Dil toogasho oo lagu xukumay askarigii 10 Kun Shiling Somali ah ugu dilay Balcad Darawalka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada