ITOOBIYA oo isbeddal ku sameysay ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya

ITOOBIYA oo isbeddal ku sameysay ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay maanta dowladda Itoobiya ku sameysay ciidamadeeda ku sugan gudaha degmada Doolow, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Ururka Miidowga Afrika ee loo yaqaano ATMIS.

Itoobiya ayaa ciidamadii muddada dheeraa ku sugnaa garoonka diyaaradaha degmadaasi qaaday, waxaana dib loogu celiyay dalkooda, ayada oo lagu soo beddalay kuwa kale.

Munaasabad kooban oo lagu sagootinayey ciidamadaasi, kuwa cusubna lagu soo dhoweynayey ayaa lagu qabtay degmada Doolow, Soomaaliya, waxaana ka qayb-galay taliyaha cusub ee NISA u qaabilsan gobolka Gedo, Generaal Jamaal Xasan Sarey.

Taliyaha oo madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyay ciidamada la beddalay oo muddo sanado ah gacanta ku hayey garoonka, isaga oo soo dhaweeyay kuwa cusub ee yimid.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay wada shaqyen dhow wada yeelan doonaan ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Nabad Sugidda, si loo xaqiijiyo amniga gobolka Gedo.


Dowladda Itoobiya ayaa kamid ah dowladaha ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxayna inta badan ka howlgalaan deegaanada maamullada Jubbaland & Koonfur Galbeed.

Isbeddalkan lagu sameeyay ciidamada Itoobiya ee ku jira ATMIS, ayaa kusoo aaday xilli ay todobaadkan dib usoo cusboonaatay xiisaddii muddada dheer ka taagneyd gobolka Gedo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada