Wararkii ugu dambeeyey ee wadahadallada Iiraan iyo Sacuudi Carabiya

Wararkii ugu dambeeyey ee wadahadallada Iiraan iyo Sacuudi Carabiya

daajis.com:- Wadahadalladii ay dhex-dhexaadineysay Ciraaq ee u dhaxeeyey Iiraan iyo Sacuudi Carabiya ayaa hakaday, sababo la xiriiira eedeymaha Tehran ee ah in Boqortooyada ay kaalin ku leedahay kicinta dibad-baxyada ka socda dlkaas, waxaa sidaas sheegay mas’uuliyiin Ciraaqi ah.

Wadahadallada ayaa loo arkay kuwa qaboojin karay xiisadda gobolka. Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ciraaq, Mohammed Shia al-Sudani ayaa bishii tegtay sheegay kadib markii uu xilka la wareegay in Ciraaq la weydiistay inay sii waddo fududeynta wadahadallada.

Si kastaba, wareeggii lixaad ee wadahadallada ee la filayey inay martigeliso Baghdad ayaan la waqtiyeyn, sababtoo ah Tehran oo diiday inay la kulanto mas’uuliyiinta Sacuudiga xilli dibadbaxyada dalkaas ka socda ay galeen bishii afaraad, sida ay sheegeen saraakiil Ciraaqi ah.

“Wada-xaajoodyadii Iiraan iyo Sacuudiga waa ay hakadeen, waxaana tani ay saameyn taban ku yeelan doontaa gobolka,” ayuu Amer al-Fayez oo ah xildhibaan ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibedda ee baarlamanka Ciraaq.

Booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah ee bishii November uu ku tegay Tehran, al-Sudani ayaa codsaday dib u billaabidda wadahadallada, wuxuuna xusay inuu u safri doono caasimadda Sacuudiga ee Riyadh dhowaan.

Hase yeeshee, Iraaniyiinta ayaa sheegay inaysan la kulmi doonin dhiggooda Sacuudiga, waxayna boqortooyada ku eedeeyeen inay taageereyso dibadbaxyada dalka ka socda, ayada oo taageerada marineysa kanaalo warbaahineed oo ay malageliso, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan isbaheysiga xukuma Ciraaq, oo ka kooban kooxaha ay Iiraan taageerto.


Faahfaahinadan ayaa waxaa xaqiijiyey shan sarkaal oo Ciraaqi ah, oo ay ku jiraan saraakiil dowladeed, kooxaha maleeshiyada ee Iiraan ay taageerto, iyo xubno ka tirsan xisbiyada siyaasadeed ee Shiicada. Dhammaantood waxay codsadeen inaan la magacaabin sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inay arrintan kala hadlaan warbaahinta.

Howlgalka Iiraan ee QM ayaa xaqiijiyey in wadahadallada ay istaageen balse ma aysan bixin faahfaahin.

“Wadahadalladii u dhexeeyay Iiraan iyo Sacuudiga waxa ay joogsadeen kahor dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Iiraan, sababo kala duwan dartood. Waxaa laga yaabaa inay mudan tahay in Sacuudiga wax laga weydiiyo,” ayay ergadu ku tiri bayaan ay soo saartay.

Boqortooyada kama jawaabin codsi falcelin oo loo diray.

Diidmada Iiraan ee ah in lasii wadao wadahadallada ayaa dhabarjab ku ah al-Sudani, oo rajeynayey in sii socoshada wadahadallada Sacuudiga iyo Iiraan ay Ciraaq ka dhigi laheyd mid sii xajisata kaalinteeda dhex-dhexaadiyaha gobolka.

Hakinta wadahadalka ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan karta gobolka, iyadoo labada waddan ay kala taageerayaan xoogagga isaga soo horjeeda isku dhacyo badan oo ka jira Bariga Dhexe, oo ay ka mid yihiin Suuriya iyo Yemen, halkaas oo Iiraan ay taageerto maleeshiyada Xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta Boqortooyada.

Iiraan ayaa Sacuudiga ku eedeysay inay maalgeliso kanaalka wararka ee Iran International oo fadhigiisu yahay magaalada London, kaasi oo si xooggan u tabinayey mudaaharaadyada ka socda Iiiraan illaa bartamihii bishii September. Kanaalka waxa iska leh Volant Media U.K., oo ay ku jiraan saamilay Sucuudiyaan ah oo xiriir la leh qoyska boqortooyada Sucuudiga.

Tehran ayaa waxaa sidoo kale ka careysiisay bayaan si wadajir ah looga soo saaray Riyadh kadib shir madaxeedkii China iyo Carabta, sida uu sheegay sarkaal Ciraaqi oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda.

Bayaanka, ayey Sacuudi Carabiya iyo Shiinaha waxay ku sheegeen inay ku heshiiyeen "in la xoojiyo iskaashiga wadajirka ah si loo xaqiijiyo hab nabadeed oo ah barnaamijka Nukliyeerka Iran," iyagoo sidoo kale ugu baaqay Iiraan inay ixtiraamto "mabaadi'da deris wanaagga iyo faragelin la'aanta arrimaha gudaha ee dawladaha."

Shiinaha ayaa saaxiib dhaqaale u ahaa Iiraan muddo fog, ayada oo xiriirka labada dal uu salka ku hayo baahiyaha tamarta ee Beijing balse uu sidoo kale qeyb ka yahay iibka hubka.

Tehran waxay ka walaacsan tahay in xiriirka dhaqaale ee soo hagaagaya ee Beijing iyo Riyadh uu waxa ka beddeli karo xaaladihii hore, ayay yiraahdeen saraakiisha Ciraaq.

AP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada