Xog: Sidee loo fuliyey, yaase fuliyey weerarkii lagu dilay Yuusuf Jingaab Wasiir?

Xog: Sidee loo fuliyey, yaase fuliyey weerarkii lagu dilay Yuusuf Jingaab Wasiir?

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay in la dilay Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir), oo ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yuusuf Jingaab ayaa lagu dilayey duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Turkiga, gaar ahaan nooca Bayraktar TB2.

Weerarka oo ka dhacay degaanka Juxaay oo hoos taga degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu dilay 87 dagaalame oo Shabaab ah, waana mid ka mid ah khasaarihii ugu badnaa ee mar qura gaara maleeshiyada Al-Shabaab.

Diyaaradaha Turkish-ka ayaa muhiim u ah guuldarrooyinka Al-Shabaab ku gaaray gobolka Shabeellaha Dhexe, inkasta oo dowladda Turkiga iyo dowladda Soomaaliya aysan marnaba shaacin ku lug lahaanshahooda.

Rashid Abdi oo ah fallanqeeya ka tirsan Sahan Research ayaa rumeysan in dhulka Soomaaliya badankiis uu yahay mid ku habboon weerarada diyaradaha Bayraktar TB2.

“Dhulka Soomaaliya waa fidsan yahay, waxayna leedahay dhir dhuuban, maalmaha badankoodna ma laha daruur daboosha. Waa mid ku habboon diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee TB2 inay wax ku dilaan,” ayuu yiri Rashid Abdi.


Waxa uu intaas ku daray “Jihaadiyiinta waxay hadda si wada jir ah ugu cararayaan jeebabka dhulka cufan ee Jubbooyinka.”

Weerarada diyaaradaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa muujinaya in saaxiibada caalamka ay si dhab ah uga go’an tahay in kooxda Al-Shabaab laga cirib-tiro dalka.

Kooxdan ayaa hadda laga xoreeyey inta badan maamul goboleedka HirShabeelle, kadib markii beelaha dega ay ayaga oo hubeysan si buuxda u garab istaageen ciidamada qaranka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada