Taliska booliska Kenya oo soo saaray amar cusub oo difaac u ah Axmed Rashiid

Taliska booliska Kenya oo soo saaray amar cusub oo difaac u ah Axmed Rashiid

daajis.com:-Taliyaha Booliska Kenya Japhet Koome ayaa ciidanka booliska dalkaasi faray inay adeegsadaan hubkooda, isagana difaacaan tuugada, xili ay dacwad arrintaasi la xiriirta ay gudbisay IPAO.

Taliye Japhet ayaa sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan kasoo qaaday eedeymaha hay’adda IPAO oo ah tan kormeerta tacadiyada booliska Kenya.

Arrintaan ayaa u muuqata mid uu taliyuhu ku difaacayo askariga Soomaaliga ah ee Axmed Rashiid oo loo haysto dacwad la xiriirta tuugo uu suuqa Islii ku laayay.

Madaxa hay’adda IPAO Anna Makori ayaa si weyn u dhaleeceysay taliyaha booliska, ayada oo ugu baaqday booliska inay u hogaansamaan sharciga, ayna tixgaliyaan xuquuqda muwaadiniinta.

Axmed Rashiid oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa dhamaadka bishii hore maxkamadda Milimani ee Nairobi ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah.


Hay’adda dusha kala socota booliska Kenya (IPOA) iyo xafiiska dacwadda oogaha guud ayaa hore u dalbaday in Axmed Rashiid uu hortago maxkamadda 8-dii December, si uu uga jawaabo dacwadda loo haysto oo ah in March 2017 uu suuqa Islii ku toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah.

Askariga ayaa ku doodaya in wiilasha oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Khadar iyo Jamal Maxamed ay kamid ahaayeen koox dhac ka geysan jirtay xaafadda Islii, isla maalintaasna ay dhacayeen dukaamo ku yaalla dabaqa Amal Plaza ee Islii.

Dacwadda Axmed Rashiid ayaa dhageysigeeda dib loogu dhigay bisha Janaayo, waxaana la fahamsan yahay in dowladda Kenya ay taageersan tahay ninkaan, ayna isku dayeyso inay ka badbaadiso dacwadaan.


Axmed Rashiid ayaa sidoo kale waxa uu taageero ballaaran ka helaya shacab is abaabuley oo isugu jira qowmiyadaha kala duwan ee Kenya, kuwaasi oo ku doodaya in uu wax weyn ka qabtay amniga degmada Kamakuunji ee Nairobi oo ay qeyb ka tahay xaafada Islii.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada