Kooxda Manchester City oo 3-2 ku garaacday Liverpool, ka saartay koobka Carabao

Kooxda Manchester City oo 3-2 ku garaacday Liverpool, ka saartay koobka Carabao

daajis.com:- Kooxda Manchester City ayaa 3-2 ku garaacday kooxda Liverpool kulan ka tirsan koobka Carabao Khamiistii, iyadoo u soo baxday wareegga siddeedda ee koobkan.

Daafaca Nathan Ake ayaa madax ku dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta kadib markii uu Mohamed Salah u dhaliyay Livepool gool bar-bar dhac ahaa hal daqiiqo kadib markii uu Riyad Mahrez u soo celiyay hoggaanka ciyaarta kooxda Man City bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta.

Erling Haaland ayaa dhaliyay goolkiisii 24-aad ee xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan, isaga oo furay gool dhalinta Man City daqiiqadii 10-aad ee ciyaartan oo ka dhacday garoonka Etihad Stadium laakiin Liverpool ayaa ka jawaabtay daqiiqaddii 20’aad markii Fabio Carvalho uu shabaqa ku hubsaday baas ka yimid James Milner.

Waxa ay ahayd ciyaar kale oo xawli iyo xamaasad leh oo dhexmartay labada kooxood ee ku loolamay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore oo si cajiib ah u soo gabagabeeyay.

Tababaraha Liverpool Juergen Klopp ayaa aaminsan in goolka Haaland uu ahaa offside, isaga oo ka carooday in garsooraha ciyaarta aanu aadin aaladda VAR.


Dhiggiisa City, Pep Guardiola ,oo guushii ugu horreysay ka gaaray Liverpool lix kulan oo tartamada oo dhan ah ayaa u riyaaqay qaab ciyaareedka kooxdiisa.

City ayaa u safri doonaan kooxda Southampton wareegga xiga.

Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada