Maxbuus Falastiini oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Israel

Maxbuus Falastiini oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Israel

daajis.com:- Dagaalame Falastiini ah oo lagu magacaabi jirey Naasir Abu Xamiid ayaa la xaqiijiyey inuu saakayto oo Talaado ah geeriyooday.

Marxuumka oo 50 jir ahaa, kana soo jeeda Xerada Qaxootiga ee Al-amcari ee ka tirsan magaallada Ramalah ee Daanta Galbeed ee Dhulka Reer Falastiin ayaa la sheegay inuu saakayto ku geeriyooday Isbitaalka Asaaf Horofiya.

Qoraal ka soo baxay Xarakada Al-Fatax ee Reer Falastiin (Alfatah Movement) ayaa lagu sheegay in si ku-talagal ah loo dilay Maxbuuska, iyadoo dilkaasi qeyb ka yahay Siyaasadda “Dilka Daaweynta”.

Xarakada Al-Fatax waxay ku baaqday Dibadbax Guud oo hal maalin ah oo ka dhici doona Deegaanada Daanta Galbeed oo ay ku jirto magaallada Quddus-ta La-haysto, si loogu muujiyo inay dadka Reer Falastiin kaa soo horjeedaan dilkaasi.

Madaxweynaha Maamulka Falastiin,  Maxamuud Cabaas Abu Maasim iyo RW Maxamed Shitayyeh waxay ka tacsideeyeen Geerida Maxbuus Naasir Abu Xamiid.

Marxuumka oo maxbuus u ahaa Israel waxaa la sheegay inuu Cuddurka Kansarka  Sambabada ( lung cancer) la il-darnaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxayna xaalladiisa ka sii dartay bishii August ee sanadkii hore ee 2021-kii.

Guddiga Arrimaha Maxaabiista Falastiin (The Palestinian Prisoners’ Affairs Commission) waxay sheegeen inuu Marxuumka xaallad miyir-beel (coma) ku jirey muddo muddo 2 cisho ah, ka hor inta aan shalay oo Isniin ahayd laga wareejinin Rug Caafimaad oo ku dhex taalla Xabsigii uu ku xirnaa ee Ramle.

Dhanka kale,  Marxuumka Hooyadiisa iyo Walaalkiisa ayaa xalay loo oggolaaday inay ku booqdaan Isbitaalka, ka hor inta uusan Waaberigii hore we maanta geeriyoonin, iyadoo ay Hay’adda Laanqeyrta ee Red Cross faragelin ku samaysay si ay Qoyskaasi u arkaan maxbuuska.

Si kastaba ha ahaayeen, Xabsiyada Israel waxaa ku xiran 600 Maxaabiis Reer Falastiin oo wada xanuunsan, iyadoo ay 24 ka mid ah la il daran yihiin Cuddurada Kansarka iyo Burooyin heerar kala duwan leh (tumors of various degrees).






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada