Sawirro: Aadan Madoobe oo laba arrin oo xasaasi ah kala hadlay dhaqanka K/Galbeed

Sawirro: Aadan Madoobe oo laba arrin oo xasaasi ah kala hadlay dhaqanka K/Galbeed

daajis.com:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta kulan gaar ah wuxuu la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay laba arrmood oo kala ah shirka dib u heshiisiinta ee uu isagu iclaamiyay iyo dagaalka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn odayaasha ka talageliyay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxayna iyagu sheegeen inay si buuxda u taageereen shirkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in ay door muuqdo ka qaataan sidii kooxda Al-Shabaab looga xorreyn lahaa deegaannada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhankooda odayaasha dhaqanka oo madasha ka hadlay ayaa Aadan Madoobe ka dalbaday in lagu dhawaaqo maalinta uu furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, si go’aan looga soo saaro xaaladda murugsan ee maamulkaasi, gaar ahaan tan doorashooyinka.

Maalmiihii u dambeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waday dadaallo ku aadan xaaladda Koonfur Galbeed, isaga oo safarkiisa Baydhabo kahor booqday degmada Xudur.


Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa marxalad adag, kadib muran ka dhashay doorashada ku soo foodka leh maamulkaasi, waxayna xaaladdu ka dartay markii xubnaha mucaaradka ee fadhigooda yahay Muqdisho ay ka biyo diideen muddo kororsiga Cabdicasiis Laftagareen.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada