Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Ireland kadibna meydkiisa la qariyay.

Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalka Ireland kadibna meydkiisa la qariyay.

daajis.com:- Magaalada Dublin ee caasimadda dalka Ireland waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed, iyadoo dilka kadibna meydkiisa la qariyay.

Muwaadinka asal ahaan Soomaaliga ah ee la dilay waxaa magaciisa lagu soo koobay Maxamed Ilyaas, isagoo ahaa da’da 22 sano jir, sida laamaha amaanka dalkaasi ay xaqiiniyeen.

Sida baaritaanada hordhaca ah ay muujinayaan, Maydka Maxamed Ilyaas Waxaa laga dhax helay Roog dhaxdiisa oo lagu qariyay waxaana helay Nin lugaysiinayo Eygiisa oo uu watay

Booliska magaalada Dublin ayaa durba baaritaano bilaabay, iyagoo dadka ka codsaday cidii kiiskan xog ka heysa ay la soo xiriiraan Xaruntan lagu magacaabaa Ashbourne Garda Station oo ku taalo Galbeedka Magaalada Dublin, halkaasoo baarista kiiskan uu ka socdo.

Soomaalida ku nool dalka Ireland ayaa aad u hadal heysa dhacdadan, waxaana soo wajahday cabsi ku aadan in la beegsan karo dhalinyarada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada