Sawirro: Ganacsiyada qaar ee wadada Maka Al-Mukarama oo saaka xiran.

Sawirro: Ganacsiyada qaar ee wadada Maka Al-Mukarama oo saaka xiran.

daajis.com:- Waxaa maanta xiran mehradaha iyo dukaamada ku yaala wadada u dhaxeysa isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdsho.

Ganacsatada ayaa ka cabanaysa inay waayeen cid wax ka iibsata kadib markii ciidamada amaanku xireen isu socodka gaadiidka wadada hormarta xarumahooda ganacsi.

Wadadan ayaa muddo ku dhaw bil, waxay ciidamada dawladdu ka celinayeen gaadiidka dadweynaha iyaga oo aan sheegin sababta sidaas loo sameeyay.

Ganacsatada ayaa sheegay in mehradahooda ganacsi ay qarka u saaran yihiin inay xirmaan sababbo la xiriira xirnaashiyaha wadada, iyo iyagoo waayay cid wax ka iibsata maadaama meel loo soo maro aanay jirin.

Mar kasta oo qaraxyo iyo weerarro ka dhacaan Muqdisho, ciidamada amaanku waxay xiraan wadooyin horleh, iyagoo sidaa u samaynaya amniga dartiis, laakiin taasi waxay saamaysaa ganacsatada mehradaha ku haysta wadooyinka la xiro.


Ganacsiyo badan ayaa sidaa ku xirmay ama qarka u saaran inay xirmaan.

BBC







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada