NISA oo xabsiga dhigtay haweeney iyo laba rag ah oo Shabaab lala xiriiriyay.

NISA oo xabsiga dhigtay haweeney iyo laba rag ah oo Shabaab lala xiriiriyay.

daajis.com:- Ciidamadda Nabad Sugida Soomaaliya ahaa xalay howlgal culus ka sameeyay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa, iyadoo howlgalkan lagu soo qabtay xubno Shabaab lala xriiriyay.

Ciidamadda Duufaan ee NISA ka tirsan oo howlgalkan si gaar ah u sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay tobaneeyo qof, iyagoo markii danbe kaxeystay sadded ruux oo midi Haweeney tahay.

Shaqsiyaadkan ayey wararku tilmaamayaan iney yihiin dadka ay NISA bartilmaameedsaneysay ee howlgalka loo sameeyay, iyagoo la aaday mid kamid ah xarumaha ay hay’adaasi wax ku baarto.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay magaalada Muqdisho, kadib markii ay cadaadis xoogan kala kulantay howlgallada ka socdo gobollada dalka oo degeenno badan looga qabsaday. NISA oo xabsiga dhigtay haweeney iyo laba rag ah oo Shabaab lala xiriiriyay.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada