SAWIRRO: Muxuu kala hadlay M/weyne Xasan Sheekh, Guddoonka Golaha Shacabka BJFS?

SAWIRRO: Muxuu kala hadlay M/weyne Xasan Sheekh, Guddoonka Golaha Shacabka BJFS?

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu uga warbixiyey halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, maadaama ay wakiil u yihiin shacabka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan argagixisada Khawaarijta ah ee Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuumaddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada-shaqeynta goleyaasha dowladda.


Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada