Shabaab oo rogaal celin ka sameeyay degaan ka tirsan Hiiraan iyo dagaal xoogan oo dhacay

Shabaab oo rogaal celin ka sameeyay degaan ka tirsan Hiiraan iyo dagaal xoogan oo dhacay

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Moqokori ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu maanta ka dhacay deegaanka Xaawada Gadiid oo 30KM u jirta magaaladaasi ee gobolka Hiiraan dhinaca degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu dhexmaray ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan Shabaab ay weerar soo rogaal celin ah ku qaadeen fariisinka ciidanka ee degaanka Xaawa Gadiid.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa dhankooda sheegay in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dagaal-yahaanada Al-Shabaab, islamarkaana dagaalkii dhacay ay ku dileen xubno badan oo ka tirsan kooxda.

Sidoo kale waxa lagu soo waramaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen deegaanka Cali Axmed oo ku yaala xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay halkaasi ka wadaan howl-galo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo muddooyinkii dambe laga gaaray guulo waaweyn.


Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah ee iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaa lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku hayeen.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada