SAWIRRO:- Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Waddo 2-sanno kahor sidaan oo kale xariga looga jaray

SAWIRRO:- Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Waddo 2-sanno kahor sidaan oo kale xariga looga jaray

daajis.com:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dhismaha Wadda Interlock ah oo laga hirgaliyay Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Wadadan xariga laga jaray ayaa Isku xira Isgooska furayaasha iyo Isbitaal Jasiira , Wadadaan ayaa maamulka gobolka Banaadir sheegeen in dhismaheeda iska kaashadeen bulshada Warta Nabadda iyo maamulka.

Xarigjarka kadib ayaa Duqa Muqdisho Mudane Sheikh Yuusuf Madaale ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda kunool in ay ku tartamaan ka qeyb qaadashada horumarinta degmadooda, gaar ahaan dhismaha waddooyinka, Nadaafada iyo Nabadgalyada.


Wadadan maanta xariga ka jaray duqa Muqdisho ayaa labo sanno kahor waxaa xariga ka jary guddoomiye kuxigeenkii hore ee maamulka iyo maaliyadda gobolka Axmed Iimaan, waxaana dad badan isweediinayaan waxa kalifay in hal waddo labo mar xariga laga jaro.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada